Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Date:

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil ah oo toogasho ah tiirka cadaaladda ee magaalada Muqdisho, kadib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay horey ugu ridday xukun dil ah saddex eedeysane oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo lagu helay dambiyo culus.

Ragga la toogtay ayaa kala ah:

– Abuukar Axmed Maxamed (Anwar)

– Xamsa Jeylaani Cabdullaahi (Abtiga)

– Xassan Cali Xuseen (Garaad)

Maxkamadda ayaa horay ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal qorsheysan, qaraxyo, iyo falal amni-darro oo ka dhacay Caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada amniga ayaa si adag u sugaayay goobta xukunka lagu fulinayay, waxaana falkani uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka kooxaha Khawaarijta iyo xaqiijinta cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...