Safiirka Soomaaliya ee Malaysia oo sheegay in la qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo iskaashiga waxbarashada labada dal

Date:

Danjire Cali Maxamed Abuukar ayaa soo bandhigay horumaradii u dambeeyay ee laga sameeyay xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Malaysia, isagoo shaaca ka qaaday in isbeddelo muuqda laga gaaray iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Safiir Cali Maxamed Abuukar, oo hadal ka jeediyay doorashada guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo ka dhacday caasimadda dalkaa ee Kuala Lumpur, ayaa ku boggaadiyay Ardayda Malaysia sida ay tusaale ugu yihiin jiilka bulshada Soomaaliyeed, markaa oo uu soo hadal qaaday, sida ay Ardayda wax ka baratay dalka Malaysia hadda door ugu qaadanayaan Isbedalada ka socda Soomaaliya.

Dalka Malaysia ee dhaca koonfur-bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada ay waxbarashada u tagaan Ardayda Soomaaliyeed, kuwaasoo kamid ah aqoonyahannada waxtarka u leh bulshada ee dalka ku soo laabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo Cape Town Kula Kulmay wasiirrada dhiggiisa ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidamada XDS oo 6 Khawaarij ah ku dilay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka...