Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hub, Saanad Ciidan oo kala duwan, Horjooge iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa qabashada Bariire kadib kormeer shaqo ku tagay halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kuna dhigeen casharro lama ilaawaan ah, intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa tegay gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaliyeed Khalid Sheikh Cabdullahi Cumar ayaa bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka

“Waxaan booqday maanta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo shalay lagu nadiifiyay howlgalka qorsheysan ee guusha leh ee ‘Duufaanta Aamusan’. Guushan waxay timid kaddib markii geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya ciidamada UPDF ee qeybta ka ah AUSOM ay jebiyeen difaacyadii cadowga, lagana furtay hub badan, gacantana lagu dhigay maxaabiis, isla markaana loo geystay khasaare nafeed culus”.

Taliyaha ayaa Bartiisa Baraha Bulshada ku qoray, “Cadowgu waxa uu hore u jaray buundada deegaanka, taas oo muhiim u aheyd isku socodka bulshada, gaar ahaan Beeraleyda, si uu ugu go’doomiyo nolol maalmeedkooda. Maanta, shacabka Bariire waxay dib u heleen xorriyaddooda iyo neecowda dowladnimada, iyadoo ciidanka Qaranku ay xaqiijiyeen in amniga iyo kala dambeyntu dib ugu soo laabato deegaanka, islamarkaana ay ka socdaan howlaha nadiifinta cadowga”.

Isagoo ka hadlaayay kormeerkiisa, “Intii aan ku guda jiray kormeerka, waxaan dhiirrigelin iyo bogaadin u jeediyay geesiyada ciidanka & saaxiibadeen UPDF ee ku sugan jiidda hore, kuwaas oo u taagan difaaca Shacabka. Bariire maanta waa calaamad muujinaysa go’aanka iyo awoodda dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan sifaynta iyo nadiifinta dhulka Soomaaliyeed meel kasta oo cadowgu ku dhuumanayo. Howlgalka ‘Duufaanta Aamusan’ wuu soconayaa ilaa laga xaqiijiyo amniga, midnimada iyo karaamada Qaranka”.

 

Sawirka kor ka muuqda waa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska GorGor, Gaashaanle Cali Cageey oo kor u haaya Gumac ka mid ah hubka laga furtay dhowr maalin ka hor Argagaxisada Al-Shabaab dagaalkii cuslaa ee Bariire, midkaasoo in ka badan 120 maleeshiyaadkooda ah lagu dilay.

Gumaca ay taliyayasha gacanta ku haayaan waxaa uu u eg yahay nooca la dhahaa (Al Yaasiin ), wuxuuna ku rakibmaa qoriga RPG-7 ee Soomaalida u taqaan ‘SABANKA’, kaasoo garabka laga tuuro. Gumacaan loo bixiyay ‘Al Yaasiin’ waa garneyl ay farsamadiisu aad u sareyso.

Gumaca Al-Yaasiin ayaa awood u leh inuu duleeliyo Taangiyada iyo Gawaarida Gaashaaman, islamarkaana burburiyo, iyadoo dagaalka Gaza lagu arkay awoodiisa, waxaana la sheegaa in laba marxaladood uu qarxo, iyadoo gumaca Afka hore uu shaqada u fududeeyo midka labaad oo qaraxa xooggan wata.

Inkastoo Khubarada Soomaaliyeed ee Hubka aysan wax tafaasiil ah ka bixin Gumacaan, balse waxaa loo maleynayaa inuu yahay ‘ Al-Yaasiin’. “Dowlada federaalka Soomaaliya waa inay arrintaasi ku baraarugtaa oo qorshaha lagu darsadaa”, sida uu qabo Falanqeeye arrimaha Amniga ah.

Dhinaca kale Wasiirka gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan qabtay shir jaraa’id ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal socday muddo toddobaad ah oo Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna xaqiijiyey howlgalkan intii uu socday in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwa noolna gacanta lagu dhigay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey ciidanka xoogga iyo taageerada Saaxiibada Caalamku la garab joogaan Dowladda Soomaaliya” ciidankeenna waad guulaysateen, waxaad kor u qaadeen niyadda shacabka Soomaaliyeed, waxaa weeye dagaalku wuu soconayaa ilaa dhamaan dhulka Soomaaliya laga nadiifinayo kooxaha Khawaarijta”ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ciidanka xoogga ayaa gacanta ku dhigay dhamaan goobihii Khawaarijtu ku dhuumanaysay waxayna Ciidanku hadda wadaan hawlgalo lagu ururinayo Maydadkii iyo hubkii ay ka carareen khawaarijta.

Weriye ka tirsan Warhaabinta Dowladda Zakariye Qaasim Bagax, oo ku sugan Bariire, ayaa la kulmay labo ka mid ah khawaarijta oo lagu qabtay howlgalka guuleystay ee Bariire.

 

Maxbuuska koowaad, oo ah mid ka mid ah horjoogayaasha arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa silsilad ku xiray geed weyn salkiisa, iyagoo ku talagalay in uu dagaallamo ilaa uu ka dhinto, hase yeeshee, ciidanka Qaranka ayaa nolosha ku qabtay.

Bariire waxaa loogu tegay wax yaab leh, dhagarqabahaan waxaa Geedka loogu xiray inuu aad u dagaalamo oo uusan cararin, markii rasaastu ka dhamaatay, isaguna uu dhima waayey ayaa nolosha lagu qabtay, waxaanana sida ka muuqata sawirka. Bal eeg arxan darrada Khawaarijta, Wiilkaan yarka ah ee aan 15 sano gaarin ayay silsilad iyo qunful kula xireen geed si uu ugu dagaalamo ilaa uu ka dhinto

“kan labaad ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah, waxaana hadalladiisa laga fahmay inuu yahay horjooge dhagar badan, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadkii uu watay, oo dagaalka lagu laayay, uu gurmad ahaan uga keenay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe”sida uu sheegay.

Deegaanka Bariire waa magaalo-beereed istiraatiiji ah oo 73 kiiloomitir (45 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxay kaloo ku fiican tahay dhaqashada Xoolaha, gaar ahaan Lo’da.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir...