Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliso Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afrika, Salma Bakhita Mansuur, ayaa shir guddoomiyay furitaanka dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria.

Xafladda oo ay ka qeyb galeen xubna sare oo katirsan bahda diblomaasiyadda ayaa waxa hadal ka jeediyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afrika,Salma Bakhita Mansu taa oo ka hadashay xiriirka tariikhiga ah ee labada dal iyo taageerada wadajirka ah ee ay muujiyeen sannadihii la soo dhaafay. Waxa ay xaqiijisay sida ay Aljeeriya uga go’an tahay in ay sii wado kala shaqaynta Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashiga dhinac walba ah, gaar ahaan marka la eego xubinnimada labada dal ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo bixiya fursado waaweyn oo wadatashi iyo isku-dubbarid lagu difaacayo arrimaha Afrika iyo horumarinta danaha qaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa uga mahad celiyey dowladda Aljeeriya taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sal adag leh.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....