Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, kaas oo ka dhacay magaalada Aljeres, caasimadda dalkaas.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, farsamada gacanta, iyo xoolaha. Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha gobolka, oo ay kamid yihiin xaaladaha ka taagan Suudaan, marinka Gaza, Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil. Labada dhinac ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhab ah si loo helo xasilooni waarta oo ka hana qaadda guud ahaan gobolka.

Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahad celiyey dowladda Aljeeriya taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sal adag leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, ayaa isna uga mahad celiyey dhiggiisa Soomaaliyeed booqashada iyo dadaallada uu ku bixinayo xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in dowladda Aljeeriya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...