Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Dalka Aljeeriya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ay wehliyaan wafdi heer sare ah, ayaa gaaray magaalada Algiers, caasimadda dalka Aljeeriya.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Xasan Axmed, Yusuf Jeego, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda martida loo yahay.

Booqashadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga istiraatiijiyadeed, iyo wada shaqeynta labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Aljeeriya si loo gaaro horumar, xasillooni iyo is-afgarad waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin Galmudug ah oo sagootiyay arday tartanka Qur’aanka uga qeybgalaya Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa magaalada Galkacyo...

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...