Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

Date:

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka furtay magaaladda Baydhabo Tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya oo ka qeyb galayaan 20 suxufiyiin oo kala matalaya xarumaha Warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigani oo soconaya Mudda laba maalmood ah waxaana uu diiradda saarayaa kaalinta Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka dalka si ku dhisan dhexdhaxaadnimo iyo eex la’aan dhinacyada doorashada si waafaqsan mabaadi’ida saxaafadda iyo sharciga Doorashooyinka iyo xeernimayayaasha

Agaasimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyadda ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska JFS mudane Cabdiraxmaan Axmed xuseen, ayaa uga mahad celiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur galbeed iskuduridka tababarka iyo sida ay marwalba wadashaqaynta wanaagsan ula leeyihiin Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, isaga oo sheegay ujeedka tababarkani yahay kor u qaadista kaalinta Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Iyo wacyi galinta bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cumar Mustafe oo furay Tababarka ayaa xubnaha wariyayaasha ah ee matalaya Warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Koofur Galbeed kula dardaarmay ka faa’iidaysiga casharada tababarka iyo dhaqan galinta waxa ay dhaxlaan khubarada bixinaysa aqoon isweydaarsiga isaga oo bogaadiyay iskaashiga Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal ee kor u qaadista wacyi Warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigani oo ah tixane looguna talo galay kor u qaadista fahamka Doorashooyinka iyo kaalinta muhiimka Warbaahinta ee suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa taageeray howlgalka xilliga kala guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) si loo xoojiyo Warbaahinta wax u tabisa si hufan, madax banaan oo ku dhisan dhexdhaxaadnimo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin Galmudug ah oo sagootiyay arday tartanka Qur’aanka uga qeybgalaya Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa magaalada Galkacyo...

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...