Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:

• Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka.

• Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga.

• Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

• Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA .

• Dhisidda hannaan joogto ah oo labada hay’adood ay si wadajir ah u fuliyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in la qaadayo tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hay’ad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.

𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲:

• Laga bilaabo 1-da September 2025, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.

Laga bilaabo 1-da January 2026, dhammaan dadka ku safaraya dalka gudihiisa waxaa looga baahanyahay inay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.

• Muddada ka horeysa taariikhdaas, labada hay’adood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar Balcad, Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, lataliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday labada hay’adood.

Kulanka Wasiirka Amniga oo lagu adkeeyey Isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...