Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Date:

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah ee ‘ Indra Gandhi’ ku soo dhaweysay toban diblomaasiyiin oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Safaaradda oo uu hoggaaminayo Lataliyaha Koowaad ahna Safiir Ku-Xigeenka, Mr. Cali Axmed Maxamed; Lataliyaha Labaad Mr. Cusman Maxamed Ibraahim, Iyo Xoghayaha Koowaad Mr. Maxamed Cabdi Ibraahim ayaa diblomaasiyiinta ku soo dhaweeyey madaarka.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa inta ay joogaan Dalka Hindiya waxay ka qayb gali doonaan tababar gaara oo loogu talo galey diblomaasiyiinta wadamada saaxiibadda dhaw la’ah Dalka Hindiya.

Tababarkan oo ka qabsoomi doona ‘ Sushma Swaraj Institute of Foreign Service ‘ New Delhi ayaa socon doona inta udhaxaysa 04- 13 Ogosto 2025.

Safaaradda J.F.S ee Hindiya waxay mar labaad u mahad celineysaa Dawladda Hindiya , doorka muuqda ee ay ka qaadaneyso kor u qaadida tayada iyo aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...