Wasiirka Beeraha XFS oo kulan la qaatay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xafiiska Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

Wasiirka Iyo wafdigiisa ayaa kulankooda diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya iyo IGAD, iyadoo ay mudnaanta koowaad la siin doono, horumarinta sugnaanta cuntada ee Soomaaliya, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado tababar iyo shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinacyada Beeraha.

IGAD waxay balan qaaday inay sii wadi doonto taageerada dadaalada iskaashiga ah ee lagu horumarinaayo nolosha bulshada, laguna xoojinayo xasiloonida gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...