R/W ku-Xigeenka XFS oo daah-furay Warbixinta Sannadlaha ee horumarka maaliyadda Dowladda 2024.

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay munaasabad ballaadhan oo lagu soo bandhigayey Warbixinta Sannadlaha ah ee Horumarka Maaliyadda Dowladda ee 2024, taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay guulaha maaliyadeed ee ay dowladda Soomaaliya ka gaadhay sannadkii 2024, caqabadihii la soo maray, iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in si waxtar leh looga faa’iidaysto. Warbixintani waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee lagu tayaynayo maamulka maaliyadeed ee dalka, kobcinta dakhliga gudaha, iyo xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta dhaqaale.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay sannadkan qaaday tallaabo taariikhi ah oo ah in markii ugu horraysay si rasmi ah loo bilaabo soo bandhigista Warbixinta Sannadlaha Maaliyadeed. Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo kobcinta kalsoonida shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey in la xoojiyo nidaamka maamulka maaliyadeed ee dalka, isaga oo tilmaamay in warbixintani ay marag u tahay guulaha laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaale iyo dowlad-dhiska. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhammaan hay’adaha dowladda in ay sii laba jibaaraan dadaallada horumarineed si loo xaqiijiyo yoolalka istaraatiijiyadeed ee dalka, oo ay kamid yihiin Himilada 2060 iyo qorshaha Qaran ee Isbeddelka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay Khawaarijta kusoo qaadeen Sabiib iyo Canoole

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada Difaaca Dadka Uganda...

Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo cambaareysay dagaalka uu sii waddo eedeeysane Axmed Madoobe

Wasaaradda Amniga Guduha ee Dawladda Federaalka ah waxeey markale...

Ciidanka XDS oo Shabellaha hoose ku dilay xubno ka tisan Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh...

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...