Wasiir Ku-xigeenka Isboortiga oo daah-furtay tababar Garsoore oo loo qabtay Haweenka

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Xildhibaan Dahabo Saciid Cusmaan, ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay 34 garsoore oo dumar ah.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xirfadda garsoorayaasha haweenka si ay door muuqda uga qaataan horumarka kubadda cagta dalka.

Munaasabadda daah-furka tababarkan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ku-xigeennadiisa, Xoghayaha guud ee Xiriirka, iyo Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka.

Ugu dambeyn, Wasiir Dahabo ayaa la dardaarantay garsoorayaasha dumarka ah ee tababarka u furmay, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaataan horumarinta isboortiga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...