Afhayeenka Gaashaandhigga oo ka warbixiyay howlgallo Ciidamada Qaranka ku dileen xubno katirsan khawaarijta

Date:

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Sheekh Abuukar Macalin, ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq u Dirirka deegaanka ka sameeyeen gobollada Galgaduud, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenku wuxuu sheegay in deegaanka Xiingaduud, oo u dhexeeya Camaara iyo Qod-qod, lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta, howlgalkaasna ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Xaq u Dirirka deegaanka iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca. Howlgalku wuxuu dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in howlgallo kale oo ay fuliyeen Kumaandooska Danab laga fuliyay deegaanada Miido iyo Harboole oo katirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu khaarajiyay horjooge sare oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Raxmaan Sambuur, kaasoo khawaarijta la shaqeynayay tan iyo 2010-kii.

Afhayeenku ayaa bogaadiyay guulaha isdabajooga ah ay gaarayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaaanka oo gobolada dalka ka wada howlagallo culus oo ka dhan ah khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...