𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada shaqada, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Heshiiskan is-afgarad ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta xirfadaha shaqaalaha, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhalinyarada, yareynta shaqo la’aanta, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal.

Heshiiskan ayaa markii hore ay labada wasaaradood kala saxiixdeen sanadkii 2016, balse weli si buuxda looma hirgelin. Ansixinta maanta la sameeyay ayaa dhabbaha u xaaraysa in heshiiska si rasmi ah loo fuliyo, iyadoo laga filayo in uu wax weyn ka beddelo xaaladda shaqo la’aanta dalka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...