Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Date:

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen Isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, halka shan kalana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyey.

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo laga soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo doonayay in ay gurmad ahaan ugu gudbaan Khawaarij kale oo ku goโ€™doonsan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Inkasta oo Kooxda Khawaarijtu isku dayday in ay ku dhuumaaleysato dhulka howdka ah, haddana seddaxda howlgal ee lagu bartilmaameedsaday ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana halkaas lagu dilay 15 xubnood oo Khawaarij ah halka ilaa shan kalana la xaqiijiyay in dhaawacyo halis ah ay gaareen. Howlgalka ayaa wali socda iyada oo lagu lagu raad-joogo firxadka maleeshiyaadka baxsadka ka ah howlgallada dhacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...