Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo wakiil ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay xiritaanka Shirweynihii Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Malabo.

Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa isu keenay madaxda Midowga Afrika, Ururrada Dhaqaalaha Goboleedyada (RECs), iyo dowladaha xubnaha ka ah Midowga, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatijiyadeed iyo dadaallada lagu hirgelinayo himilooyinka Qaaradda Afrika.

Wafdiga Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Wasiirku wuxuu si cad u adkeeyey muhiimadda masโ€™uuliyadda wadajirka ah, nabadda waarta, iyo is-dhexgalka goboleed ee loo siman yahay.

Soomaaliya waxay markale muujisay goโ€™aankeeda ku aaddan taageeridda yoolalka Ajandaha 2063 iyo u doodista caddaalad, karaamo, iyo sinnaanta dhammaan dadka Afrikaanka ah iyo kuwa asal ahaan Afrikaan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...