Masโ€™uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

Date:

Masโ€™uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha dhaqanka ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay lacag, raashin, xoolo nool garsiiyay madaxda iyo nabadoonno ku dhaqan Hiiraan.

Xafladdii guddoonsiinta deeqdaasi oo ka dhacday Degmada Maxaas,waxaa halkaasi lagu bixiyay lacag gaareysa konton kun oo dollar,tiro ari ah iyo in ku dhow toban neef oo geel ah.

Xafladdaasi waxaa ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Maxamed Cabdullahi, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud , Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye,Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed iyo xubno kale.

Deeqdaan oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo ciidanka la dagaalamaya khawaarijta waxaa bixiyay mid kamid ah beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,kuwaas oo gartay in dadka walaalahooda ah ay ku garab istaagaan wixii samofal ah ee ay awoodaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...