Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Date:

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa ka Qaybgalaya tababar ku saabsan Maareynta Dekedaha iyo Teknolojiyadda Casriga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo isugu jira Agaasimayaal Guud iyo Maareeyayaal ka kala socda Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda, iyo sidoo kale Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dekedaha ee Maamul Goboleedyada dalka.

Saraakiishan ayaa dalka Shiinaha u yimid si ay uga qaybgalaan tababbar muhiim ah oo la xiriira Maareynta Dekedaha iyo Teknolojiyadda casriga ah, kaasoo ka dhacaya magaalada Tianjin ee Jamhuuriyadda Shiinaha.

Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: muhiimadda uu tababbarkani u leeyahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dekedaha Soomaaliya, iyo sidoo kale fahamka fursadaha maalgashi ee ku xeeran kobcinta kaabayaasha dekedaha dalka.

Danjire Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in safaaraddu sii waddo taageerada iyo fududeynta xiriirka u dhexeeya hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha. Waxay si gaar ah uga hadashay muhiimadda tababbarrada kor u qaadaya xirfadaha shaqaalaha, iyo iskaashiga farsamo ee xoojinaya awoodda hay’adaha Dowlada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...