UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Date:

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii si weyn uga walaacday wax ka beddel sharciyeed loo gudbiyay baarlamaanka Giriigga, kaas oo hakad gelinaya codsiyada magangalyo-doonka.

“Sharciga cusub ee wax ka beddelka ayaa joojinaya gudbinta codsiyada magangalyo-doonka muddo saddex bilood ah, gaar ahaan kuwa ka imanaya Waqooyiga Afrika iyo dalal kale, iyadoo dadkaas dib loo celinayo iyada oo aan la diiwaangelin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UNHCR.

Hay’addu waxay ka digtay in tallaabadani keeni karto in dad lagu celiyo meelaha ay khatar ugu jiraan nolol iyo badbaado darro. Sidoo kale, waxay dowladaha xasuusisay in aysan ka leexan karin mabda’a sharciyada caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda magangalyo-doonka.

UNHCR waxay qiratay in qulqulka qaxootiga ee dhawaan gaaray deegaanka Gavdos iyo jasiiradda Crete uu sababay cadaadis, balse ay muhiim tahay in la xakameeyo xuduudaha si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo kan Yurub.

Ugu dambeyntii, hay’addu waxay ku baaqday in Midowga Yurub yeesho isku-duubni iyo qorshe mideysan oo taageeraya waddamada safka hore sida Giriigga oo ay si joogto ah u saameeyaan qulqulka dadka magangalyo-doonka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....