MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

Date:

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dib u hawlgelinteeda waxaa la filayaa inay kaalin mug leh ka qaadato hawlaha la xiriira daabacaadda dukumentiyada kala duwan ee dowladda iyo hawlaha kale ee muhiimka ah ee dalka looga baahan yahay.

Waxaa markii ugu horeysay ay Wakaaladda Madbacadad Qaranka hawlgashey sannadkii 1971-kii, iyadoo door weyn ka cayaartey ka haqabtirka dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee dalka ka jiray dhanka arrimaha daabacadda.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa saameeyay wakaaladda oo ka mid noqotey hay’adihii ku burburay colaadihii jiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada D/g waqooyi Bari

Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka D/G- ka waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta...

Tacsi: Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan...