Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, taasoo sii marta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta jidadka iyo kaabayaasha suurtogaliya isku-socod hagaagsan, asigoona xusay in aan marnaba la aqbali doonin in dib loo jeexo waddooyinka la dhisaayo ee Magaalada Muqdisho, uuna Maamulka Gobolka Banaadir kasoo saari doono habraacyo ay mari doonaan shirkadaha bixiya adeegyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeelato muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee dalalka horumaray.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...