Wasaaradda Amniga oo ku baaqday in la joojiyo Colaadda ka dhacday Caabudwaaq

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ugu baaqyay dhinacyada maanta ku dagaallamay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiigga, lagulana xisaabtami doono cid walba oo horseed u ahayd colaadda uu dhiiggu ku daatay.

“Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq, waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaa xal u helidda colaadda, dhexdana ay u xirtaan sidii ay u dejin lahaayeen, qof walba oo gacan ku leh hurinta dhibaatada waa lagula xisaabtami doonaa, sharciga ayaana horgeynaynaa”.

Wasiir Fartaag ayaa ku adkeeyey hay’adaha amniga gobolka iyo maamulka Galmudug in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegaanka ka soo cusboonaatay. Isaga oo Alle uga baryey in dadka Soomaaliyeed qalbigooda isu soo jeediyo, nabad iyo barwaaqana ku manneysto dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...