Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay uga goโan tahay Xukuumadda DanQaran xoojinta wada-shaqeynta Dowladda iyo ururrada siyaasadeed, dar-dargelinta hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ah, iyo in la hirgeliyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, iyadoo la dardar-gelinayo qorshaha qaran ee doorashooyinka, si muwaadiniintu ay u helaan fursad ay si siman ugu goโaan gaari karaan mustaqbalka dalka.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda, ayaa bogaadiyay doorka ay ururrada siyaasadeed ay ku leeyihiin kobcinta dimoqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay si buuxda uga goโan tahay in ay la shaqeyso dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xukuumadda ay ka uga goโan tahay sii amba-qaadidda la-tashiyada qaran oo saldhig u ah dhismaha hannaanka siyaasadeed, iyadoo la dhageysanayo aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadda dalka.

