Cabdullaahi Sanbaloolshe oo si aqlabiyad leh ugu guuleystay kursiga HOP058 ee BJFS

Date:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Juun 2025, waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib-u-buuxinta kursiga HOP058 ee ka bannaanaa Baarlamaanka 11-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashadan oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday labada gole ee dowladda, bulshada rayidka ah iyo ergada beesha leh kursiga, ayaa musharrax Ismaaciil Warsame Faarax uu tanaasulay.

Ergada doorashada ee kursiga HOP058 waxaa soo xaadiray 101 ergo. Doorashadu waxay ku dhacday si xasiloon, waxaana cod gacan-taag ah ku guuleystay musharrax Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 cod, halka 3 qof ay ka aamuseen.

Cabdi Caddow Maxamed oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna shahaadada Xildhibaanimo si rasmi ah ugu guddoonsiiyay Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan wacyigelin ah ku qabtay degmooyinka bartamaha Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...