Ciidamda dowladda Soomaaliya oo Al shabaab kala wareegay deegaan muhiim u ahaa

Date:

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo saaka aroornimadii Ciidamadu ku qaadeen weerar saf ballaaran ah.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa u daatay godad ay Khawaarijtu gudaha deegaanka ka qoteen saacadihii u danbeeyay.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay maydadka khawaarij tiro beel ah oo daadsan gudaha deegaanka, waxayna xuseen in kuwooda badbaaday ay duurka u baxsadeen halkaasi oo wali lagu sii baacsanaayo firxadka Khawaarijtii lasoo qalday.

Sarkaalka ciidankan hogaaminayay ayaa sheegay in howlgalkan uu muhiimad gaar ah leeyayay isaga oo xusay in deegaanka uu ahaa mid stratigic u ah kooxda Khawaarijta ee Al shabaab waxaana uu intaa ku diray iney sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa sii wada howlgallo saf balaaran ah oo deegaano cusub lagala wareegayo argagixisada Al shabaab waxaana jab iyo khasaaro xoogan haddaย  la kulmaya kooxda arxanka daran ee Al shabaab.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Email: Loyalyare12@gmail.com

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...