Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa khudbad ka jeediyey shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka ee ka socda Geneva, Switzerland. Wasiirka ayaa ka hadlay dadaallada dowladda ee horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed, meelmarinta siyaasado iyo shuruuc muhiim u ah shaqaalaha, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo fursadaha shaqo.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka ku muujiyey dhibaatooyinka heysta shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqo la’aanta iyo duruufaha adag ee ay la kulmaan. Wuxuu bogaadiyey dadaallada dowladda ee dib-u-eegista sharciga shaqada Soomaaliya oo 52 sano kadib la cusbooneysiiyey, isagoo caalamka ka codsaday taageero buuxda si loo dhaqan geliyo sharcigaas.

Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka ayaa waxaa ka qeybgalaya wufuud ka socota 187 dowladood, hay’ado iyo ururrada shaqaalaha caalamka, iyadoo Soomaaliya sanadkan uga qeybgashay si ka duwan sidii hore, taasoo muujineysa dadaalka dowladda ee horumarinta shaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...