Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Date:

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee maareynta hubka, rasaasta, iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay magaalada muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in maareynta hubka iyo rasaasta ay laf-dhabar u yihiin amniga dalkeenna, isla markaana ay xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha iyo farsamooyinka lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iyo la-dagaallanka maleegidda qaraxyada lagu carqaladeynayo amniga.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee la-dagaallama qaraxyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qaran ee heerarka kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...