Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Date:

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Yemen Amb. Mustafa Al-nucmaan.

Danjiraha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda.

Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa uga mahadceliyay wasiirka soo dhoweynta uu u sameeyay isagoo u ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu...

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal...

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...