Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Date:

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, oo hoggaamiya wafdiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ee uga qeyb-galaya shirka ( IFAD Innovation Day 2025) oo ay soo agaasintay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee IFAD. Kulankaan oo sanadle ah ayaa lagu soo bandhigaa hal-abuurada guulaystay sanadkaas gaar ahaan kuwa saamaynta ku leh wax soosaarka cuntada dunida.

Qeyb ka mid ah kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa hal-abuurka ay dowladuhu hormuud ka ka yihiin, gaar ahaan dalalka nugul, waxaana Wasiir-dawluhu furay doodda “Government-Led Innovation in Fragile Contexts” isaga oo carrabka ku adkeeyay in hogaaminta xukuumaddu, marka ay ka amba-qaaddo baahida bulshada isla markaana ay la shaqeyso, la-hawlgalayaasha iyo khubarada caalamiga ah, ay horseedi karto isbadel muuqda oo xoojiya adkeysiga nidaamyada cuntada iyo kobaca dhaqaalaha dalalkaas.

Wasaaradda Beeraha & Waraabka waxay sidoo kale kasoo muuqatay dhammaan wejiyada shirweynaha sida dood-furan la xiriirtay doorka dowladuhu ku leeyihiin kobcinta hal-abuurka xilliyada nuglaanta iyo Bandhiga Marketplace-ka IFAD oo ay Xarunta Hal-abuurka Wasaaradda ee CIAD kusoo bandhigtay hal-abuuradi iyo fikradihi guulaystay ee ay taageereen barnaamijyada iyo mashaariicda Wasaaradda sida mashruuca RLRP.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...