SoDMA iyo QM oo qabtay kulan looga hadlayay xaaladaha biniโ€™aadantinnimo ee dalka

Date:

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Muqdisho ku qabatay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha baniโ€™aadannimo ee Wadankeenna, waxaana si wadajir ah u guddoomiyay kulankaan Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey.

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxa OCHA Soomaaliya iyo xubno ka socday labada dhinac, iyo khubarrada farsamada ee SoDMA, ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhaqaale ee heysta howlaha gurmadka, gaar ahaan yareynta lacagaha deeq-bixiyaasha iyo baahida loo qabo in dib loogu qiimeeyo howlaha iyo adeegyada hortabinta leh iyo mashaariicda hadda socda,

Labada dhinac ayaa isla gartay in si dhow loo qiimeeyo sidii loo wajihi lahaa arintaan , iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada baniโ€™aadannimo guud ahaan dalka. SoDMA ayaa markale muujisay sida ay uga goโ€™an tahay in ay la shaqeyso dhammaan bahwadaagta caalamiga ah si loo dhiso nidaam baniโ€™aadannimo oo waxtar leh, lana tacaali kara xaaladaha adag ee baniโ€™aadannimo ee dalkeenna ka jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...