Soomaaliya oo ka qeybgashay xuska maalinta Afrika oo lagu qabtay Hindiya

Date:

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, oo ay weheliyeen diblomaasiyiinta safaaradda iyo xubno ka socday madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed, ayaa ka qayb galay xuska maalinta Afrika (Africa Day) oo lagu qabtay caasimadda Hindiya ee New Delhi.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay madax sare, diblomaasiyiin, iyo wakiillo ka socda dalalka Afrikaanka ah ee fadhigoodu yahay magaalada New Delhi.

Marti sharafka munaasabadda waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Hindiya, Dr. S. Jaishankar, oo halkaas ka jeediyay khudbad qoto dheer oo dhinacyo badan taabaneysay.Wasiirku wuxuu u hambalyeeyay dalalka Qaaradda Afrika, isagoo xusay muhiimadda uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya Hindiya iyo Afrika.

Sidoo kale, Wasiir Jaishankar wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loo gaaro horumar waara, xasillooni, iyo dan guud oo la wadaago.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...