Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qeybgalay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha

Date:

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo howlwadeeno ka socda Wasaarada ayaa ka qayb galay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha Adduunka (WOAH) oo ka dhacaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Shirweynaha guud ee WOAH waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta caafimaadka xoolaha, ka hortagga cudurrada iyo la tacaalidda khataraha cusub.

Wasiir Xasan ayaa madal heer wasiir ah ka xusay kaalinta muhiimka ah ee xooluhu ku leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga ka hortagga iyo xakameynta cudurrada xoolaha, helitaanka tallaalka iyo adeegyada caafimaadka xoolaha.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga goโ€™an tahay la shaqeynta bahwadaagta caalamiga si loo dhiso nidaamyo adkeysi leh oo taageera ganacsiga xoolaha, nolosha reer guuraaga, iyo koboc waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...