Soomaaliya oo xustay Maalinta Afrika, xaqiijisayna inay ka go’an tahay midnimada iyo cadaaladda Qaaradda

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta xarunteeda ku qabatay munaasabadda xuska Maalinta Afrika, oo ah xuska markii dhidibada loo taagay Ururka Midnimada Afrika (OAU) 25 May, 1963, iyadoo sanadkii 2002 loo beddelay Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in 25 May ay tahay maalin ku weyn Afrika oo ay ku beegantahay taariikhda markii la aas’aasay Ururka Midnimada Afrika, kaasoo markii dambe loo beddelay Midowga Afrika, isaga oo sheegay in ajandaha Afrika uu mudnaanta koowaad u yahay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Afrika guul iyo horumar, si la mid ah Soomaaliya in ay hiigsato baraare, isaga oo adkeeyay muhiimadda cadaaladda ay u leedahay Afrika, haddii ay ahaan lahayd wixii ka soo gaaray halgankii ay uga soo horjeedday gumaysiga iyo xoojinta isku-caddaalad-falka dhexdeeda.

Munaasabadani oo Wasaaraddu kala kaashatay Bankiga IBS ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Safiirrada dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Soomaaliya, waxa ay xubin aas’aase ka ahayd Ururka Midnimada Afrika (OAU), iyadoo saxiixday axdigii lagu aas’aasay sanadkii 1963, waxa ayna kaalin muuqata ka qaadatay taageeridda ururradii xornimo-doonka ee Koonfurta, Bartamaha iyo Bariga Afrika, iyadoo sidoo kale ka qeyb-qaadatay dadaallo xal loogu helay qulqulatooyin iyo loolanno milatari oo ka dhexeeyay dowlado. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay martigelisay shir-madaxeedkii 11aad ee Ururka Midnimada Afrika sanadkii 1974, kaasi oo lagu qabtay Caasimadda Muqdisho.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee wakiil waxa loogu yeero “Somaliland”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi...

Soomaaliya Iyo Dowladaha Xulafada la ah oo Cambaareeyay tallaabada Israa’iil ee Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Pakistan, Jamhuuriyadda Carbeed ee...

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...