Wasiir ku-xigeenka Beeraha XFS oo ka qeyb gashay shir muhiim ah

Date:

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahra Yuusuf Ige, ayaa si rasmi ah uga qeybgashay Shirka 2-aad ee Wadahadalka u dhexeeya Brazil iyo Afrika ee looga hadlayay Sugnaanta Cuntada, La Dagaalanka Gaajada iyo Horumarinta Miyiga.

Shirkaasi oo socday intii u dhaxaysay 20–22 May 2025, ayaa ka dhacay caasimadda dalka Brazil, magaalada Brasilia.

Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay wufuud matalayay dowlado badan oo Afrikaan ah, hay’ado caalami ah, iyo hey’ado horumarineed, iyada oo kulanka lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada teknoolojiyadda, cilmi-baarista, iyo hirgelinta siyaasad wax ku ool ah oo lagula tacaalayo gaajada iyo saboolnimada ka jirta qaaradda Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...