Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Date:

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iiman Cige oo howlo shaqo u joogay dalka Aljeeriya ayaa maanta booqday xarunta cusub ee Safaaradda JFS ee dalka Aljeeriya oo dhawaan si rasmi ah xariga looga jari doono.

Waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Xarunta Safaaradda, Safiirka JFS ee Dalka Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego). Tan iyo 1991, xarun rasmi ah oo safaaradeed kama jirin dalka Aljeeriya.

Wasiir Biixi ayaa dalka Aljeeriya u joogay ka qeyb galka kulanka fadhiga loo dhan yahay ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo ka furmay dalka Aljeeriya,wasiirka ayaa sidoo kale kulab la qaatay dhigiisa Aljeeriya iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhaqaale ee labadda dal.

Danjire Jeego ayaa ka mahadceliyay dhankiisa Booqasha wasiirka waxaana uu in Safaaradu Tahay halka marka uu arko ruuxa Ajnabiga ah uu ka eegi karo inta uusan imaan Dalkaga ay tahay sidaas darteedna loo Baahan yahay in ay noqoto goob qurxoon oo lagu Shaqeyn karo .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...