Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Algeria

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Algeria, Wasiir Abdelkrim Bouzred, oo sidoo kale ah guddoomiyaha shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka.

Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maadaama Algeria ay ka mid ahayd dalalkii ka qeyb qaatay hannaankii deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa dhiggiisa Algeria siiyay warbixin buuxda oo ku saabsan dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha horumarineed ee lagu maalgelinayo mashaariic waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...