Masโ€™uuliyiin ka tirsan DFS oo Turkiga u tegay booqasho khibrad-wadaag warfaafineed ah

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala),ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimayaasha Warbaahinta ee Xafiisyada Madaxweynaha, Raโ€™isul Wasaaraha, Wasaaradda Warfaafinta iyo Lataliyayaal sare oo dhinaca xiriirka Warbaahinta ah.

Wafdiga ayaa booqday Xarumaha Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga (TRT), Wakaaladda Wararka ee Anadol Agency iyo Havelsan oo ka mid ah xarumaha soo saara, isla markaana horumariya qalabka Militariga, Difaaca iyo Tiknoolajiyadda.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo xubnaha kale ee wafdiga ayaa booqday Istuudiyayaasha iyo xarumaha kaydka Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga, iyadoo loo soo bandhigay qaabka ay u shaqeeyaan hayโ€™adahan, kuwaas oo ka mid ah warbaahinnada ugu waaweyn caalamka.

Xarunta Havelsan ee Difaaca oo ay wafdigu booqdeen waxaa loogu soo bandhigay horumarka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda iyo kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta difaaca dhulka, cirka iyo badda iyo sida Turkigu horumarka xowliga ah u sameynayo, maadaama uu yahay dalka ka mid ah saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya u taageera sida ugu dhow.

Xarunta Wakaaladda Wararka ee Anadol ayay sidoo kale wafdiga tageen, halkaas oo ay ugu bilaabatay aqoon isweydaarsi iyo khibrad wadaag soconaya laba maalmood oo diiradda saaraya sida loo diyaariyo, loona Maareeyo xiriiirka Warbaahinta ee xiliyada Doorashooyinka, Maareynta Xasaradaha iyo ka hortagga been abuurka iyo marin habaabinta.

Booqashada shaqo ee wafdigan heerka sare ah oo daarran khibrad wadaag xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee labada dowladood ah, waxaa marti galiyay Agaasinka xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Turkiga, waxayna masuuliyiintaan booqan doonaan xarumo kale oo ay ku jirto xarunta Agaasinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...