Safiirka Soomaaliya ee Rwanda oo Waraaqaha Aqoonsiga Guddoonsiiyay Madaxweynaha Rwanda

Date:

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa maanta si rasmi ah u guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee uu ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Rwanda, Mudane Ilyaas Cali Xasan.

Munaasabaddan ayaa ah mid ka tarjumaysa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo labada dal ay hadda bilaabayaan xiriir cusub oo ku saleysan iskaashi dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo ganacsiga.

Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa sidoo kale metela Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xoojinaysa doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray dhismayaal lagu kordhiyey Isbitaalka Madiina

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Wasiir Khadiija oo kormeer ku tagtay xarunta Barbaarinta Carruurta Booliiska Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija...

Gaashaanle dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare,...

Golaha Shacabka BJFS oo maanta dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...