NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

Date:

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge sare oo Khawaarijta u qaabilsanaa qorsheynta weerarradii Hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo, sanadkii 2023.

Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa Horjoogahan ayaa Howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta ku saabsan Horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhammaan Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa.

Dhinaca kale, ilaa 6 howlgal oo duqeyn ah oo shalay galab ilaa xalay ay ciidanka NISA ka fuliyeen deegaanka Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan, ayaa lagu dilay 46 Khawaarij ah oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo lagu beegsaday goob ay gabbaad ka dhiganayeen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa kor u qaadday howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo Khawaarijta, xili Taliyaha guud ee Hay’adda uu ku sugan yahay deegaannada hawlgalladu ay ka socdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...