๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถr๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—–๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qaybgalay Shirka 62-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo dhinac socday Shirweynaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Shirka waxaa Wasiirka Caafimaadka ku wehlinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Guled Abdijalil iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Shirka oo ay ka qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Carabta iyo wufuudda diblomaasiyadeed ayaa lagu ansixiyey goโ€™aammo muhiim ah oo ku saabsan, taageerada Caafimaad ee dalalka ay ka jiraan xaalado biniโ€™aadantinimo iyo Caafimaad, xoojinta iskaashiga gobolka, taageeridda Golaha Carabta ee takhasusaadka Caafimaadka, dhiirrigelinta dalalka ku tallaabsaday warshadaynta dawooyinka iyo booqashooyinka Caafimaadka iyo la dagaallanka faafista cudurrada dilaaga ah.

Ka qaybgalka Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay wada-shaqaynta gobolka iyo horumarinta nidaamka Caafimaad ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Madasha Arrimaha Baniโ€™aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...

RW Xamsa oo magacaabay wasiir ku-xigeen cusub

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha...