Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Hindise sharciyeedkan ayaa ah mid lagu xoojinayo awoodda iyo kartida Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka, iyadoo la eegayo baahida sii kordheysa ee is-dhaafsiga garsoor, xog, iyo la dagaallanka dambiyada caalamiga ah.

Wasiir Xasan Macallin ayaa Xildhibaannada si faahfaahsan ugu sharraxay muhiimadda sharcigan, isagoo xusay in uu fududeyn doono in Soomaaliya ay si hufan ula shaqeyso waddamada kale iyo hay’adaha sharciga caalamiga ah.

“Sharcigan wuxuu door weyn ka ciyaari doonaa xoojinta caddaaladda, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo xaqiijinta wada shaqeyn dhaxal gal ah oo dhex marta Soomaaliya iyo beesha caalamka,” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood kaleh sharciyaan,iyagoo oo muujiyay ahmiyadda uu dalka u leeyahay,waxaana xildhibaannada ay marsiin doonaan akhrinta labaad iyo dood furan si loo dhammeystiro ansixintiisa.

Hindise sharciyeedkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habeynta garsoorka iyo dhismaha dowladnimo hufan oo caddaalad ku dhisan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Yeman ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Golaha Shacabka BFS oo Akhrinta koowaad marsiiyay Sharciyo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...