Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulank Sanadeedka Guddiga Hagidda Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Hagidda Dad dhigista iyo Tarakoobka Xaaladaha Madaniga ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulank Sanadeedka Guddiga Hagidda Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay shaqada u qabsoontay guddiga, wuxuuna yiri”Muddada uu Guddigaani shaqaynayay, waxaa horumar fiican laga gaaray dejinta siyaasadaha, sharciyada, istaraatijada iyo qorshooyinka lagu maamulayo adeegga dad-dhigista kuwaa oo badankooda uu ansixiyay Guddigan. Sidoo kale, Guddigani wuxuu ku guulaystay inuu hirgeliyo adeeg dhijitaal ah oo si midaysan loogu bixinayo adeegyada dhalashada iyo dhimashada kaasi oo wejigiisa kowaad laga hirgeliyay 19 degmo oo ku kala yaalla dawlad goboleedyada dalka”.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka hadlay dedaalka uu guddiga ku bixiyay karaanka iyo tayada howlwadeennada Hay’adaha, wuxuuna yiri “ Dhinaca kale, waxaa in la xuso mudan Guddigu dadaal farabadan ku bixiyay dhisidda karraanka hay’adaha iyo hawlwadeennada kala duwan ee u xilsaaran adeegga dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah. Waxaa tababbaro dibedda iyo gudaha ah la siiyay hawlwadeennada ka kala socday Dawladda Federaalka, dawlad goboleedyada iyo dowladaha hoose. Bixinta tababbaradaasi waxaa garab-socday qalabaynta dawladaha hoose kuwaa oo la gacangeliyay agabyo xafiis si xilkooda ugu gutaan uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed”.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Xildhibaan Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Hagidda Dad-dhagista oo ka hadashay Kulan Sandeedka 3-aad ee Guddiga Dad-dhigista Iyo Tarakoobka Xaaladaha Madaniga ayaa ka hadashay arrimaha guurka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Xildhibaan Khadiija ayaa si gaar ah u isu dultaagtay arrimaha guurka iyo xal u helidda cabaqadaha ka yimaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed...

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...