Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Date:

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horreyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha, gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee laga doonayo in Golaha uu ka shaqeeyo inta ka dhiman kalfadhiga lixaad.

Intaa kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa warbixinno ka dhiibtay xaalada shuruucda horyaalla guddiyada iyo habraacyada dhiman. Ugu dambeyn, waxaa la sameeyay ajandeyn iyo jadwaleyn ku saabsan howlaha Golaha toddobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa ku boorriyay xubnaha guddiga dardargelinta shaqooyinka Golaha, maadaama uu marayo gabagabadii kalfadhiga lixaad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...