๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ž๐˜‚ ๐—ฆ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐—”๐—ณ๐—ฟ๐—ถ๐—ธ๐—ฎ

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan amniga iyo xasillinta dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa ugu hambalyeeyay Mr. Kareem magacaabistiisa, isagoo oo muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qadarinayso iskaashiga taariikhiga ah ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo kaalinta Midowga Afrika uu kaga jiro taageerada geeddi-socodka nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska dowladnimada.

Dhankiisa, Mudane Adebayo ayaa uga mahadceliyay Raโ€™iisul Wasaaraha soo dhaweynta diiranna isaga oo ballanqaaday in wadashaqeyn dhow uu la yeelan doono heyโ€™adaha dowladda, isla markaana ku celiyay sida Midowga Afrika ay uga goโ€™an tahay taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u gaarto himiladeeda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Baniโ€™aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Baniโ€™aadannimada, iyadoo...