Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday Alle u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Ugaas Cabdullaahi, uu ka mid ahaa tiirarka muhiimka ah ee waqtigooda galiyey ka shaqaynta nabadda iyo xasilloonida ummadda Soomaaliyeed, laguna xasuusan doono halgankiisii dowlad-dhiska Soomaaliya.
โUgaas Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay dhaqanka, nabaddeynta iyo midnimada bulshada. Wuxuu ahaa hoggaamiye bulsho, codkiisana ugu hiilin jiray nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowladimada.โ Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa, ayaa qoyska, ehelka, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida Ugaaska, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.