Wararkii ugu dambeeyay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

Date:

Howlwadeennada waa as gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa abaarihii 6:32 maqribnimo ku baxay dab ka kacay Suuqa Balaaraha, qeybta Daawada ee Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dabka ayaa ka kacay guri ka kooban lix-qol oo ganacsi ah, kaas oo lagu iibiyo Daawooyinka Kala duwan.

Waaxda Dab-damiska ayaa ku guuleysatay in ay dabkaas ku xakemeeyaan halkii uu ka bilowday, waxayna badbaadiyeen 4-guri oo kale, kuwaas oo ay ku yaalaan 21-qol oo ganacsi ah laguna iibiyo daawooyinka isbeer-baaristiska ah iyo qalabka Elektaroonikada.

Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay 38-shaqaale oo ka tirsan naft-hurayaasha waaxda gurmadka deg degga ah,Maamulka degmada Howlwadaag iyo Agaasimeyaal.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...