MUDANAYAASHA GOLAHA SHCABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY HESHIISKII LAGU DHISAY URUR GOBOLEEDKA IGAD

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhiga lixaad kulankiisa 11-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa ay mudanayaasha Golaha Shacabka akhrinta koowaad marsiiyeen heshiiskii lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta IGAD, waxaana warbixinta heshiiskan Xildhibaanadda u akhriyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Balcad.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda su’aalo ka weydiiyay qodobada heshiiskan iyo ka mid ahaanshaha Soomaaliya muhiimadda ay u leedahay, waxaana su’aalaha Xildhibaanadda ka jawaabayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka in heshiiskan akhrintiisa labaad soo diyaariyaan oo ay Golaha dib ugu soo celiyaan si looga doodo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Addis Ababa kaga qeyb galaya Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Africa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...