R/W ku-xigeenka labaad “Helitaanka aqoonsiga Qaranka waa xaq dastuuri ah oo muwaadinka leeyahay.”

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi,oo sheegay in helitaanka aqoonsiga Qaranka uu yahay xaq dastuuri ah oo muwaadinka u fududeynaya shaqooyinka iyo adeegyada uu u baahan yahay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa daah-furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), isagoo xusay in hannaankani uu yahay mid sugan, oo u fududeynaya muwaadinka in uu si fudud ku helo aqoonsiga Qaranka.

Adeeggan cusub ee dhijitaalka ah ee ay soo bandhigtay Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa la filayaa inuu si weyn u fududeeyo helitaanka aqoonsiga Qaranka, isagoo sidoo kale xoojinaya kalsoonida muwaadiniinta ee adeegyada dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa hoosta ka xariiqay in adeeggan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda muwaadiniinta, loogana golleeyahay in la helo nidaam aqoonsi oo sugan, casri ah, isla markaana la jaanqaadaya horumarka dhijitaalka ee caalamka.

Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah si loo gaaro muwaadiniinta meel kasta oo ay joogaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...