Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha-u-naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan dhaqanka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Cabdullaahi oo intii uu noolaa ku suntanaa nabad jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu soo kaban lahayd burburkii gaaray qaranka.

“Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, waxa uu ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo arrimaha dhaqanka, waxaana lagu xasuusan doonaa dadaalkiisii raadinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka bulshada soo kala dhexgala”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, ehelka, bulshadii uu ugaaska u ahaa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...