Wasaaradda Beeraha oo Kulan Dhiirigelin ah u Qabatay Dhalinyarada Barata Cilmiga Beeraha ee Jaamacadaha Dalka

Date:

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS. ayaa muqdisho qabatay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah ardayda dhigata cilmiga beeraha ee jaamacadaha dalka.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dhiirigelinta xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda iyo dhalinyarada barta cilmiga beeraha, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta wax soosaarka gudaha iyo isbadelka nidaamyada casriga ah ee beeraha.

Madashaan oo ay ka hadleen qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha ardayda jaamacadaha, dhanka kale kulanka waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Arrimaha bulshada Baarlamanka Soomaaliyeed Marwo: Nadra Salah.

Gabagabadii kulankaan ayaa ka mid ahaa kulamadii hor-udhaca ahaa ee looga arrinsanaaye Shirka wayn ee NAFIS2025 kaasoo dhacay 5,6 May 2025

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...